Maxaa ka jira Amaro adag ee lagu soo rogay dadka galaya ama ka baxaya magaalada Garowe (Akhriso)

HomeWararka

Maxaa ka jira Amaro adag ee lagu soo rogay dadka galaya ama ka baxaya magaalada Garowe (Akhriso)

Amniga kaantaroolada laga soo galo magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay, Waxaana dadka magaalada soo galaya iyo kuwa kabaxaya lagu sameynayaa baari

Halkaan kadaawo Sawirada Munaasabadda Caana Shubka Beeldaajaha ee degmada Carmo (sawiro)
Beelo Gobalka Karkaar ku dagaalamay oo diyo kala qaatay Qardho (dhegayso)
Caawa & Daljir iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Doolow (dhegayso)

Amniga kaantaroolada laga soo galo magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay, Waxaana dadka magaalada soo galaya iyo kuwa kabaxaya lagu sameynayaa baaritaan.

Sarkaal lagu magacaabo Axmed Maxamuud Cali kana tirsan ciidamada Booliska Puntland, islamarkaana ku magacaaban Taliyaha saddexda kantarool ee laga soo galo caasimadda Garoowe, ayaa sheegay in qofka safraya laga rabo in uu caddeeyo ujeedka safarkiisa iyo halka uu tegi doono.

Si aan arintan uxaqiijino waxay Daljir laxiriirtay taliyaha qeybta Booliska gobolka Nugaal G/S Maxamed Aadan Jaamac Cismaan oo noo sheegay in sarkaalkan uu bixiyay go’aan uusan awood sharci ulahayn xabsigana la dhigi doono.

Waxa uu Taliyaha noo sheegay in goor dhaw uu shri jaraaid qaban doono oo uu uga hadli doono qorshaha amniga magaalada loo dajiyay, taas oo ah mid aysanb shacabku wax dhibaato ah kala kulmi doonin.

Xasan Heykal, Daljir Garoowe.

COMMENTS

WORDPRESS: 1
DISQUS: