Beelo Gobalka Karkaar ku dagaalamay oo diyo kala qaatay Qardho (dhegayso)

Maamulka gobalka Karkaar iyo kan degmadda Qardho ayaa magaaladda Qardho kaga qayb galay kulan balaaran oo labo belood oo walaala ah oo maanta diyo maanta ku kala qaatay Magaaladda Qardho.

Beelahan ayaa dhawaan dagaal ku dhexmaray degaano katirsan Gobalka karkaar,iyado isbuuci lasoo dhafaay heshiis ku dhexmaray gudaha Magaaladda qardho ee xarunta gobalka Karkaar.

Labada belood ayaa lakala wareegayo tiro Geel ah ,waxaana qaar kamid ah odayaasha labada dhinac oo kulanka ka hadlay shegeen inay ku faraxsanyihin in lasoo afjaro khilaafka beelaha walaalaha ah.

Sido kale Maamulka Gobalka Karkaar iyo kan degmadda Qardho oo dhinacooda hadlay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan in beelahan maanta si rasmi ah u kala qaatan diyada.

Hoos kadhegayso codadka Kulanka


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com