Masuuliyiin DFS Ka tirsan oo booqday Matxafka Qaranka (dhegayso/Sawiro)

HomeWararka

Masuuliyiin DFS Ka tirsan oo booqday Matxafka Qaranka (dhegayso/Sawiro)

Wasiiirka Boostadda iyo Isgaarsiinta Soomaaliya, Cabdi Canshuur Xasan, ayaa shir gudoomiyey kulan gaar ah oo ay isku yimadeen guddiga Abaabulka Qorsha

Senior NISA commander killed in Mogadishu
Warka Maanta ee maalinka JIMCAHA iyo Xuseen Madar (dhegayso)
Duqa cusub ee Muqdisho oo joojiyay in la iibiyo dhulka danta guud ee Biyaaso Liibaro

Wasiiirka Boostadda iyo Isgaarsiinta Soomaaliya, Cabdi Canshuur Xasan, ayaa shir gudoomiyey kulan gaar ah oo ay isku yimadeen guddiga Abaabulka Qorshaha isxilqaan ee lagu dhisayo Matxafka Qaranka, kaa oo looga hadlayey dar-dar galinta Qorshaha dib u dayactirka iyo dhismaha loogu samaynayo xaruntaas.

“Sanadka soo socda bartamihisa waxaad arki doontaan Xaruunta Matxafka qaranka oo dhisan isla markaana ay u dhamaystiran yihin dhammaan aqabyadiisu,” ayuu yiri wasiir Canshuur.

Guddigan oo uu Guddoomiye u yahay Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Eng. Cabdi canshuur ayaa ka shaqayn doono sidii dib-u-dhis iyo dayactir loogu samayn lahaa Matxafka Qaranka oo ka mid ah xarumihii ku burburay dagaaladii doo maray dalkeenna, iyadoo isla maanta kormeeray dhismaha Matxafka Qaranka oo ku yaala degmada Warta nabadda ee gobolka Banaadir.

Warbixintan Wariye Cabdiraxmaan Waaberi ayaa Muqdisho kaso diray

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: