Mashruuca Qolalka Shirarka Hay’adaha Dawladda oo la daah-furay (Warsaxafadeed)

HomeWararka

Mashruuca Qolalka Shirarka Hay’adaha Dawladda oo la daah-furay (Warsaxafadeed)

Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa si rasmi ah u furay qolka shirarka ee Aqalka Sare, kaasi oo qeyb

Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaaliya oo faahfaahin kabixiyeey dagaal xalay ka dhacay Xabsiga dhexe ee Xamar
Shoortaaye: “Waan sharaxanahay oo Madaxweyne Puntland baan rabaa, “
Macaliiminta Dugsiyadda Sare ee Boosaaso oo Tababar lagu soo Xiray Boosaaso (dhegayso)

Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa si rasmi ah u furay qolka shirarka ee Aqalka Sare, kaasi oo qeyb ka ah mashruuc ballaaran oo lagu fududeynayo xiriirka hay’adaha dawladeed.

Mashruucan oo uu maal-geliyay Bankiga Adduunka waxaa lagu dhisay 37 qolal shirar oo si casri ah loo qalabeeyay, kuwaasoo min 5 laga dhisay Somaliland, Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfurgalbeed iyo Jubbaland, halka inta soo hartay laga dhisay caasimadda.

Guddoomiyaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa uga mahad celiyay Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta inay Aqalka Sare u xusheen daahfurka mashruucan. Guddoomiyuhu wuxuu intaasi ku daray in qolalkan ay Aqalka Sare ka caawin doonaan sidii uu xiriir joogto ah ula yeelan lahaa goleyaasha dawlad-goboleedyada.

Isagoo ka hadlayay munaasabadda lagu daah-furayay mashruucan ayaa Wasiir Cabdi Cashuur Xasan wuxuu uga mahad celiyay Bankiga Adduunka inuu maal-geliyay mashruucan oo lagu dhisayo awoodda hay’adaha dawladeed. Wuxuu sheegay in mashruucan oo soo socday sanadihii u dambeeyay la dardar-geliyay bilihii la soo dhaafay si hay’adaha dawladeed ay uga faa’iideystaan farsamada casriga ah.

“Qolalka shirarka waxay leeyihiin faa’iidooyin badan. Waxay sare u qaadi doonaan xiriirka iyo wada-shaqeynta hay’adaha dawladeed; waxay sugayaan amniga madaxda, waxay noo baajinayaan kharashaadka safarrada, waxayna badbaadinayaan deegaanka maadaama safarkii yaraanayo,” ayuu yiri wasiirka.

“Waxaan rajeynaynaa in si wanaagsan looga faa’iideysan doono, ayna caawin doonaan dhismaha hay’adaha dawladeed.”

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: