Masar oo Somalia soo gaarsiisay Shixnad Gargaar ah

Masar oo Somalia soo gaarsiisay Shixnad Gargaar ah

Qoraal shalay la soo dhigtay Barta Facebook ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Masar ayaa lagu sheegay in Markab waday Shixnadaasi uu ku soo xirtay Dekedda Muqdisho.

Qoraalka ayaa lagu xusay in Munaasabadda lagu kala wareegay Shixnadaasi ay goobjooge ka ahaayeen Safiirka Masar u jooga Muqdisho, Ambassador Maxamed Al-baas iyo Wasiirka Caafimaadka ee XFS, Dr. Cali Xaaji Aadam iyo tiro Mas’uuliyiin ka kala socday Xukuumadda Somaaaliya iyo Wakiil ka socday Ururka Bisha Cas ee Somalia.

Shixnada deeqda ee la soo gaarsiiyey Xukuumadda oo Guud ahaan dhan 240 Tan waxay isugu jireen Cunto, Qalab Caafimaad iyo qeybo kale oo Gargaar Samafal.

Dhanka kale, Wasiirka Caafimaadka XFS, waxa uu ka mahad celiyey Deeqdaasi oo ay Dowladda Masar ugu tala-gashay in wax looga qabto Macluusha ka jirta dalka.

Si kastaba ha ahaatee, Shixnada Gargaarka ee ka timid Masar ku soo beegantay xilli uu soo hagaagayo Xiriirka labada Waddan oo horey u dayacmay Xilligii Dowladii hore ee afartii sano ee la soo dhaafay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com