Martisoor: Prof. Beeldaaje iyo Xaaladda Dhaqaale ee Adduunka (dhegayso)

HomeWararkaMARTISOOR

Martisoor: Prof. Beeldaaje iyo Xaaladda Dhaqaale ee Adduunka (dhegayso)

Barnaamijka Martisoor ee Radio Daljir waxaa todobaadkan marti u ah Prof. Yaasiin Xaaji Cabdullaahi “Beeldaaje” oo ku takhasusay cilmiga dhaqaalaha, wu

(Dhagayso) Barnaamijkii Martisoor wariye_Axmed_Sh._Maxamed_(Tallman)
Martisoor_Tallman_Bossaso_Mowliidka ,Dhalashadda Nabigeena Muxamad NNKH (dhegayso)
MARTISOOR & AXMED SICIID AWNUUR (Q1aad): Waayihiisii Waxbarasho & Maanta iyo Jaamacadaha Puntland

Barnaamijka Martisoor ee Radio Daljir waxaa todobaadkan marti u ah Prof. Yaasiin Xaaji Cabdullaahi “Beeldaaje” oo ku takhasusay cilmiga dhaqaalaha, wuxuuna Prof-ku si durugsan ugu falanqaynayaa barnaamijkan marxaladaha dhaqaale ee caalamku wakhti xaadirkan wajahayo siiba shirkii dhaqaale ee dhawaan lagu qabtay magaalada Davos ee dalka Switzerland oo lagu soo bandhigay xog ballaaran oo la xiriirta arrimaha dhaqaalaha.

Prof. Beeldaaje ayaa si gaar ah u dultagaya arrimo ay kamid yihiin dheelliga dhaqaale ee ku yimid inta badan dalalkii hoggaamin jirin dhaqaalaha dunida, waxa sababay in dalalkaasi lumiyaan kaalimahoodii safka hore ee dhaqaalaha caalamka.

Waxaa kale oo uu Prof. Yaasiin nala qaybsaday wixii u qabsoomay waftigii Soomaliya uga qaybgalay shirkaas ee RW Kheyre horkacayey iyo arrimo kale oo la xiriira Soomaaliya.

Prof. Yaasiin oo ku sugan magaalada Bossaso ayaa u warramay Axmed Sh. Maxamed “Tallman” oo ku sugan istudiyaha Daljir ee Caabudwaaq.

Hoos ka dhegayso.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: