Martisoor – Datoor Saadiq Enow: Marxalladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo tan maamulka Puntland ee maanta (dhegayso)

HomeWararkaMARTISOOR

Martisoor – Datoor Saadiq Enow: Marxalladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo tan maamulka Puntland ee maanta (dhegayso)

Barnaamijka Martisoor ee Radio Daljir waxaa todobaadkan marti u ah qoraa Datoor Saadiq Enow oo ah qoraa inta badan wax ka qora arrimaha geeska Afrika,

Boqor Cabdillaahi Dabagooye: Khaatumo, Dagaalka Laascaano, xudduuda Isaaq & Dhulbahante & Soomaaliya
MARTISOOR: Prof Xasan Cabdi Amarre “Soomaaliya waxay halis ugu jirtaa in dib loogu celiyo Chapter 7,”
Martisoor: Dr. Saadiq Enow & Taariikhda Somalida- Q2aad (dhegayso)

Barnaamijka Martisoor ee Radio Daljir waxaa todobaadkan marti u ah qoraa Datoor Saadiq Enow oo ah qoraa inta badan wax ka qora arrimaha geeska Afrika, gaar ahaanna Soomaaliya.

Dr. Enow waxa uu barnaamijkan si durugsan ugu falanqaynaya marxaladda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya, gaar ahaanna tan maamulka Puntland oo uu mar ka soo noqday Wasiirka Caafimaadka. Waxyaabaha uu sida gaarka ah u taabanaya waxaa kamid ah habka uu maamulka Puntland uga falceliyey muranka ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Imaaraadka, safarka madaxweynaha Puntland ee isla dalka Imaaraadka, heshiiska dekadda Bossaso iyo DP World, xiisadda ka dhalatay qabsashadii Somaliland ee deegaanka Tukaraq, iyo waliba aragtidiisa ku aaddan habka ay u shaqayso xukuumadda Madaxweyne Gaas iyo arrimo kale oo ku saabsan hannaanka siyaasadeed ee Puntland.

Taas ka sokow, Datoorku waxa uu cabbirayaa halka laga haysto Soomaliya oo muddo rubuc qarni ka badan wajahaysay qalalaase siyaasadeed iyo mid amni.

Hoos ka dhegayso.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0