MARKAB SIDA SHIXNADO KALA DUWAN OO GANACSI OO MAANTA KU SOO XIRTAY DEKEDDA GARACAD.

MARKAB SIDA SHIXNADO KALA DUWAN OO GANACSI OO MAANTA KU SOO XIRTAY DEKEDDA GARACAD.

Dekedda cusub ee Garacad oo ah dekeddii ugu horraysay oo hannaan iskushi dadweyne iyo dawladeed ku dhisanta Soomaaliya oo dhan, maanta waxaa ku soo xirtay markab sida shixnado kala duwan oo ganacsi.

Markabkaan oo isku soo maray dalalka Turkiga iyo Imaaraadka carabta, waxaa rarkiisu iskugu jiraa labo qaybood oo midi tahay shixnado ganacsi oo gudaha Puntland ah, ayna leeyihiin shirkadaha ganacsi iyo qalab uu u sida isla dekedda laftigeeda oo dhismaheeda weli wax ka dhimmanyihiin.

Dekedda Garacad, oo u dhidban hannaanka casri ahaaneed oo loo dhiso dekedaha xilligaan ayaa leh adeegyo badan oo sahli kara in ay ku soo hirtaan maraakiibta ganacsi iyo kuwa kalaba, waxaana haatan si toos ah u socda shaqadeeda maalinlaha ah.

Dekeddaan Garacad, ayaa noqotay dekeddii labaad oo Puntland ah, halka guud ahaan Soomaaliya ay tahay dekeddii 5aad ee dalku yeesho, taasoo wax badan ka tari karta kobaha dhaqaale iyo kan ganacsiba.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com