Mareykanka oo muwaaddiniintiisa uga digay iney u safraan meelo kamid ah Kenya

Mareykanka oo muwaaddiniintiisa uga digay iney u safraan meelo kamid ah Kenya

Safaaradda Mareykanka ee dalka Kenya ayaa soo saartay digniin amni oo ay u direyso muwaaddiniinteeda iney u safrin magaalada Kisumu oo ku taalla galbeedka dalka Kenya.

Digniintan oo imaneyso xilli ay maxkamadda sare ee Kenya ay weli dhageysaneyso dacwadda doorashada.

Safaaradda Mareykanka ayaa muwaaddiniinteeda uga digtay iney ka fogaadaan goobaha ay dadku isugu yimaaddaan iyo goob kasta oo amnigeedu sugneen inta ay joogaan magaalada Kisumu.

Kisumu waa magaalada uu ka soo jeedo mid ka mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxtinimada ee dalka Kenya Raila Odinga oo maxkamadda ka codsaday in ay laasho guusha William Ruto ee la shaaciyey inuu ku guuleystay doorashadii madaxtinimada.

Maxkamadda sare ee Kenya ayaa qorsheyneysa go’aanka kama dambeysta ee dacwadda doorashada iney gaarto 5-ta bisha September oo ku beegan Isniinta soo socota.

Safaaradda Mareykanka ee dalka Kenya ayaa digniin taa la mid ah oo muwaaddiniinteeda ay uga digeysoi iney u safrin magaalada Kisumu soo saartay horraantii bishi August.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com