Mareykanka oo liiska Argagixisada ku daray Cali Dheere iyo xubno kale

HomeWararka

Mareykanka oo liiska Argagixisada ku daray Cali Dheere iyo xubno kale

Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in Liiska Argagixisada caalamiga ah ay ku dartay illaa shan xubnood oo ka mid ah Ururo Islaam

Saaka iyo Dunida | Abdinaasir Jeekey | Gaalkacyo
Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Shil Gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay duleedka Garoowe

Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in Liiska Argagixisada caalamiga ah ay ku dartay illaa shan xubnood oo ka mid ah Ururo Islaami ah oo ka dagaalama Afrika.

Shantan xubnood ayaa labo ka mid ah waxay ka tirsan yihiin Xarakada Al-Shabaab, halka saddexda kale ay yihiin hoggaamiyeyaal ka tirsan Ururo ka dagaala dalalka Mozambique, Mali iyo Burkinafaso

War saxaafadeedka ka soo baxay Mareykanka ayaa lagu sheegay in Cali Maxamed Raage (Cali Dheere) oo ah Afhayeenka Al-Shabaab uu mas’uul ka ahaa weeraro ka dhacay Soomaaliya iyo Kenya.

C/qaadir Maxamed C/qaadir oo loo yaqaan Ikrima oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa isna ahaa Madaxa howlgalada iyo Lojistikada Al-Shabaab, isla markaana uu qorsheeyay weeraro Al-Shabaab qorsheysay.

Saddexda xubnood ee kale ayaa kala ah Salem ouldBreihmat, Sidanag Hitta iyo Bonomade Machude Omar oo ah dhammaan kuwo ka dagaalama dalalka Mali, Burkinafaso iyo Mozambique

War saxaafadeedka ka soo baxay Mareykanka ayaa lagu sheegay in xubnahan ay la fariisin doono dhammaan hantidooda, danahooda iyo wax walba wixii dhaq dhaqaaq ah ee ay leeyihiin, iyadoo la amray in lagu soo wargeliyo Xafiiska Xakameynta Hantida Dibadda ee Waaxda Maaliyadda Mareykanka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: