Mareykanka oo Kun Askari oo dheeri ah udiraya Bariga Dhexe, xiisadda Iiraan

HomeWararka

Mareykanka oo Kun Askari oo dheeri ah udiraya Bariga Dhexe, xiisadda Iiraan

Kusimaha Xoghayaha Gaashaandhigga ee Mareykanka Patrick Shanahan  ayaa ku dhawaaqay inay ciidamo gaaraya kun askari oo dheeri ah u dirayaan Bariga Dhe

Goobaha lagu qabanayo doorashada Golaha Shacabka oo la soo bandhigay
IED targets military vehicle, leaving 5 dead in Mogadishu
Caawa & Daljir iyo Jamaal Faarax Aadan, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)

Kusimaha Xoghayaha Gaashaandhigga ee Mareykanka Patrick Shanahan  ayaa ku dhawaaqay inay ciidamo gaaraya kun askari oo dheeri ah u dirayaan Bariga Dhexe, ujeeddo la xiriirta difaaca, isagoona intaasi ku daray inay walaac ka qabaan khataro ka imaan kara Iiraan.

”Waxaan ogolaaday, ku dhawaad kun askari oo dheeri ah, sababo isdifaacid dhanka hawada, badda iyo dhulka, ciidamadeena saldhigga ku leh Bariga Dhexe” ayuu yiri Shanahan oo warqad qoraal ah soo saaray.

Waxaa uu intaasi ku daray ” Weeraradii ugu dambeeyey ee Iiraan, waxaa ay muujinayaan hab dhaqan cadaawad ah, oo ay wadaan ciidamada Iiraan iyo kooxohooda, taasi oo carqaladaynaysa danaheena gobolka”

”Mareykanku marna ma raadinayo colaad uu la galo Iiraan, balse talaabooyinkan waa mid lagu ilaalinayo badqabka iyo daryeelka ciidamadeena ee shaqaynaya iyo inaan difaacno danaheena qaranka” ayaa lagu yiri qoraalka Shanahan

Tan iyo Khamiistii lasoo dhaafay waxaa cirka isku sii shareeyey xiisadda Mareykanka iyo Iiraan, iyadoo ay baxayaan baqin laga qabo dagaalo ka dhex qarxa labada dal oo haysta hubka Nukliyeerka iyo gantaalada khaaradaha wax ka duqeeya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: