Mareykanka oo ku baaqay in doorashada Soomaaliya laga gaaro wada xaajood siyaasadeed.

Mareykanka oo ku baaqay in doorashada Soomaaliya  laga gaaro  wada xaajood siyaasadeed.

Dowladda Mareykanka ayaa muujisay in aan laga maarmin wada hadal siyaasadeed oo lagu dhameeyo khilaafka ka dashay Guddiga Doorashada 20/21 oo ay saluugeen musharixiinta Madaxeynaha.

Kelly Craft oo ah Ergayga Washington u qaabilsan Qaramada Midoobay oo ka qaybgashay kulanka Golaha Ammaanka ee looga hadlay Arrimaha Soomaaliya, waxa ay tilmaamtay in aan laga maarmin wada-xaajood siyaasadeed si looga gudbo cabashada.

Dhameystirka Howsha Geedi socodka Soomaaliya waxa ay rajo wanaagsan gelisay marka ay wada hadlaan Dowladda Federaalka, Maamulada & dhinacyada ku lugta leh Siyaasadda oo fure u ah gelista Doorasho lagu qanacsan yahay oo waqtigeeda ku dhacda.

“Waxa aan u jeedinayaa DFS & Dowladaha xubnaha ka ah in ay sii wadaan wada-xaajoodyadda lagu saldhigayo Geedi socodka Doorashada 20/21, wax waliba waa in ay noqdaan mid wada ogol & is faham ku dhamaada, sida gudiyada maamulaya kuraasta Somaliland ee baarlamaanka” Sidaasi waxaa tiri Ergayga Washington ee QM.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
error: Content is protected !!