Mareykanka oo ka hadlay duqeyn ka dhacday Shabeellaha Hoose

HomeWararka

Mareykanka oo ka hadlay duqeyn ka dhacday Shabeellaha Hoose

War kasoo baxay taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa lagu faah faahiyay howlgal ka dhan Alshabaab,kaasi oo ka dhacay gobolka Shabeellaha hoose ,

Guddi Aqalka Sare oo isku dayaya muujinta in aysan weli ku milmin Xukuumadda
Warka Fiidnimo iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim, Daljir Badhan dhegayso)
Gobolka Hiiraan oo wali lacagta dalka laga diidanyahay (dhegayso)

War kasoo baxay taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa lagu faah faahiyay howlgal ka dhan Alshabaab,kaasi oo ka dhacay gobolka Shabeellaha hoose ,waxaana mareykanka uu sheegay in uu Shabaab gaarsiiyay Khasaare.

Warka ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya kuwa Soomaaliya ay bartilmaameedsadeen degaanka Gandarshe oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose,halkaasoo ay ku sugnaayeen xubno ka mid ah Shabaab .

Taliska Mareykanka ayaa sheegay in howlgalka intii uu socday ay ka qeyb qaateen diyaaradaha aan duuliyaha la heyn ee Mareykanka.

13 ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeyntaasi,iyadoo uu burbur soo gaaray saldhiggii ay halkaasi ku lahaayeen Shabaab.

“Dowladda Mareykanka waxaa ka go’an sii wadista beegsiga Al-Shabaab si ay uga hor tagaan dhibaatooyinka ay shacabka ku hayaan,iyadoo sidoo kale mar walba la xaqiijinayo in aan khasaare dhimasho iyo dhaawacba soo gaarin dadka rayidka ah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska Mareykanka.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa muddooyinkii dambe waxa ay kordhiyeen duqeymaha ay la beegsanayaan saldhigyada Shabaab ay ku leeyihiin Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: