Mareykanka oo duqeyn ku dilay Ninkii ka dambeeyay weerarkii Manda Bay

HomeWararka

Mareykanka oo duqeyn ku dilay Ninkii ka dambeeyay weerarkii Manda Bay

Taliska ciidamada Maraykanka ee Africa Africom ayaa shaaciyay in ay duqeyn ku dileen sarkaal ka tirsan Al-Shabaab kana dambeeyay weerarkii saldhigga M

Madaxweyne Farmaajo: “Waxaan oofinay balamihii aad inoo dirteen oo ah bixinta mushaarka iyo raashinka
Dowladda Soomaaliya oo Ansixisay heshiiska Tababarrada Ciidamada ee udhexeeya Soomaaliya Iyo Turkiga (Sawiro)
Kulan looga arrinsanayo doorashooyinka dalka oo kasocda Qardho (dhegayso)

Taliska ciidamada Maraykanka ee Africa Africom ayaa shaaciyay in ay duqeyn ku dileen sarkaal ka tirsan Al-Shabaab kana dambeeyay weerarkii saldhigga Manda Bay ee dalka Kenya.

Sidoo kale duqeyntan oo loo adeegsaday diyaarada F15 ayaa lagu diley xaaska sarkaalka oo aan labadaba la sheegin magacyadooda.

Duqeyntan oo lala wadaagay dowlada Soomaaliya ayaa ka dhacday Sabtidii degmada Saakow oo 320km dhinaca Galbeed ka xigta Muqdisho.

“Labada argagaxiso waxaa loo aqoonsaday inay yihiin hogaamiyaal sarsare oo ka tirsan Al-Shabaab kuwaasoo qorsheeyey isla markaana hagayay howlaha ay argagaxisadu ka fuliso xadka Kenya iyo weerarkii lagu qaaday Manda Bay,Xaaska sarkaalka la qaarijiyay waxa ay ahayd xubin firfircoon oo ka mid ah Alshabaab.”ayaa lagu yiri qoraal goor dhow ka soo baxay Africom.

Taliyaha Africom General Stephen Townsend ayaa sheegay in duqeynta ay ahayd tallaabo lagu baabi’inayay kuwii ka dambeeyay weerarkii 5tii Janaayo.

Weerarkan ayaa waxaa lagu diley sarkaal ka tirsan ciidamada Maraykanka iyo labo ruux oo muwaadiniin Maraykan ah kuwaasoo qandaraaslayaal ahaa.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: