Kulan looga arrinsanayo doorashooyinka dalka oo kasocda Qardho (dhegayso)

Kulan looga arrinsanayo doorashooyinka dalka oo kasocda Qardho (dhegayso)

Waxaa magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ka socda kulan kusaabsan doorashooyinka dalka oo ay soo qabanqaabiyeen guddiga doorashooyinka qaranka ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin katirsan guddiga doorashooyinka qaranka, wakiilo kasocda daladda ay ku midaysanyihiin ururada bulshada rayidka Puntland PUNSA, guddiga doorashooyinka ee Puntland, odayaasha iyo maamulka magaalada Qardho.

Guddiga doorashooyinka ayaa waydiinaya xubnaha ka qaybgalaya shirka sida dastuurka loo dhamaystiri karo iyo in dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod, si looga gudbo habka wax ku qaybsiga aan dastuuriga ahayn ee wax loo qaybsado Soomaaliya ee afar beel iyo bar.

Eng. Sayid Cali oo matalaya guddiga doorashooyinka dowladda faderaalka ayaa sheegay inay soo bilowday dowladda hadda jirta iyadoo ay sadex sano kaharsantahay mudadeeda xil hayneed arimaha wadatashiga doorashooyinka, waxaana uu sheegay deegaan walba iyo tuulo kasta la geyn doono qorshahani.

Hoos kadhegayso masuuliyiin ka hadlay

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com