Mareykanka Oo Dowladda Soomaaliya Ugu Deeqay Hub Iyo Gaadiid Dagaal

Mareykanka Oo Dowladda Soomaaliya Ugu Deeqay Hub Iyo Gaadiid Dagaal

Wasiirka Gaashandhigga JFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya kala wareegay hub ay ugu talagaleen Ciidanka Danab.

Safiirka Maraykanka ee u fadhiya Soomaaliya Larry Andre, ayaa munaasabadda wareejinta hubkaas iyo agab ciidan iyo gadiidka kuwareejiyay wasiirka asagoo sheegay inay tahay deeqdan mid ay ugu talagaleen la-dagaallanka Al-Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa uga mahad celiyey Dowladda Mareykanka garab istaagga ay u muujiyeen ayna fariin u tahay dalalka kale sida soomaaliya loogu aamini karo waxwalba.
Advertisement

Wasaaradda Gaashandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe xoojijeysay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyadoo hadda laga xorreeyay deeganno badan oo ku yaalla dalka, sidoo kale waxa ay xoojisay tayeynta iyo kor u qaadidda awoodda Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com