Mareykanka iyo Midowga Yurub oo inka badan boqol diblumaasi Ruushiya eryay

HomeWararka

Mareykanka iyo Midowga Yurub oo inka badan boqol diblumaasi Ruushiya eryay

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa amray eryidda lixdan diblumaasi oo Ruush ah, taasi oo la xiriirta muranka diblumaasiyadeed ee Ruushka iyo do

Madaxweyne Deni oo la kulmay safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya
Aqoonyahan Muxiyadiin Maxamed Xaashi oo ka hadlay Natiijada Shirka Dhuusamareeb |||
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Soomaaliya oo ka qeyb galay shir lagu soo gaba gabeeyay Khartuum”SAWIRRO”

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa amray eryidda lixdan diblumaasi oo Ruush ah, taasi oo la xiriirta muranka diblumaasiyadeed ee Ruushka iyo dowladda UK ee sumaynta basaase horay iyo inantiisa.

Ilaa iyo 16- dowladood oo katirsan Midowga Yurub ayaa sidoo kalle ku dhawaaqay inay eryayaan 31- diblumaasi oo Ruush ah.

Mareykanka ayaa sheegay inuu taageerayo dalka ay xulafada dhow yihiin ay ee UK, islamarkaana ay xirayaan qunsuliyadda Ruushka ee magaalada Seattlae, iyadoo laga jawaabayo isku dayga shir qoolka ee basaasaha Ruushka ee Sergei Skripal  iyo inantiisa lagu sumeeyey sun disha dareenka dadka oo la dhigay isbitaal ku yaala UK oo ay xaalad caafimaad oo ay ugu jiraan, kadib markii lagu sumeeyey bishii hore magaalada Salsibury ee koonfurta UK.

“Mareykanka waxaa uu u qaadayaa tilaabadan, iyadoo laga jawaabayo hubka kiimikada ee Ruushka uu ku adeegsaday ciidda dalka katirsan isbahaysiga Nato ee UK” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Aqalka Cad.

Sarah Sanders, xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad ayaa sheegtay Mareykanka iyo isbahaysigiisa ay farriin ay u dirayaan Ruushka cawaaqibka ka dhalanaya ficiladiisa.

Diblumaasiyiinta ugu badan ee Ruushka ee la eryay ayaa ahaa saraakiil sirdoon, safiirka Ruushka ee Washington Anatoly Antonov oo ka jawaabay go’aanka Mareykanka ayaa ku sheegay inuu yahay mid qalad ah.

Ruushka ayaa sadex qunsiliyadood ku leh wadanka Mareykanka, waxaana sidoo kalle go’aankan mid la mid ah qaatay dowladda Australia oo iyaduna ku dhawaaqday inay eryayso diblumaasiyiinta Ruushka ee dalkeeda jooga.

March, 04 ayay ahayd markii Skripal iyo gabadhiisa la helay iyagoo ku sugan marxalad miir la’aan ah, iyagoo ku sugnaa goob u dhow meel laga dukaamaysto oo ku taala magaalada Salisbury, oo 120km koonfur galbeed ka xigta magaalada London, waxaana uu horay uu ahaa sarkaal militari iyo sirdoon Ruushi ah, oo lagu eedeeyey inuu basaase u yahay dowladda Ingiriiska.

 

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: