Safiirka Imaaraatka ee Soomaaliya oo wax laga waydiiyay heshiiska Berbera

Safiirka Imaaraatka ee Soomaaliya oo wax laga waydiiyay heshiiska Berbera

Wasaaradda arimaha dibadda ee dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa u yeertay safiirka dowladda Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya Maxamed Axmed Al-Cusmaan Xamaad, waxaana wax laga waydiiyay heshiiskii Imaaraatka Carabta, Somaliland iyo Itoobiya ee dekedda Berbera.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay wasiiru dowlaha arimaha dibadad ee Soomaaliya, waxaana loo sheegay go’aankii baarlamaanka Soomaaliya uu ku mamnuucay shirkadda DP World inuu Imaaraatka Carabta ilaaliyo madaxbanaanida Soomaaliya, dowladda faderaalkana ay masuul ka tahay mashaariicda dalka oo ay gobolada oo dhan gaarsiin doonto.

Safiirka Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya Maxamed Axmed Al-Cusmaan Xamaad ayaa sheegay inay ilaalinayaan jiritaanka qaranimada Soomaaliya, ayna sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com