Mareeyaha Garoonka Diyaaradaha Boosaaso: “ Shaqadda Garoonka Si wanaagsan Ayaay u Socota ,Hormar ayaan samaynay “(dhegayso+Sawiro)

HomeWararka

Mareeyaha Garoonka Diyaaradaha Boosaaso: “ Shaqadda Garoonka Si wanaagsan Ayaay u Socota ,Hormar ayaan samaynay “(dhegayso+Sawiro)

Tan iyo wixii Kadambeeyay markii xariga laga jaray Garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaaso 8 january 2016kii , ayna sidawada jirka ah xariga ugajare

Wacaal Darey ah: Muwaadiniinta mareykanka oo Iraq isaga soo baxay
Booliska Gobolka Banaadir oo ka hadlay dilkii Sakariye & Sowdo (daawo)
Maanhadal: Mowqifka Puntland iyo Khilaafka Khaliijka Carabta – Wariye Tallman (dhegayso)

Tan iyo wixii Kadambeeyay markii xariga laga jaray Garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaaso 8 january 2016kii , ayna sidawada jirka ah xariga ugajareen Madaxweynaha Puntland Cabdiwali cali gaas iyo madaxweynihii hore ee soomaaliya ee DFS Xasan Sheekh Maxamuud ,ayaa tan iyo wixii xiligaas ka dambeeyay waxa uu garoonku uusameeyay horumar baaxad leh waxaana lagu soo kordhiyay adeegyada bulshada ee duulimaadyada casriga ah, sida Amniga Garoonka oo aad loo adkeeyay , Tarminaalka ay ka dhoofayaan dadka oo lakeenay qalab casri ah ,waxaana sanadkan labilaabayaa wajiga labad ee Garoonka Bosaaso.

Qaar kamid ah Shaqaalaha Idaacada Daljir oo maanta Howlo shaqo u Tagay Garoonka Diyaaradaha Bander Qaasim ayaa la kulmay Mareeyaha Garoonkaas Mudane Bashiir Muuse Cabdiraxmaan,waxaana wax ka weydiinay ,Hormarka Kasocda Garoonka ,iyo Sida loo adkeyaay Amaanka iyo waliba Diyaaradaha soo daga ,qaabkay u maamulaan.

Dhinaca kale Qaar kamid ah shacabkii Xiligaa kaso dagay Garoonka ayaa Makarafoonka Radio Daljir la dhex qaadnay,waxayna ka warbixiyeen ,Bal isbadalka Garoonka ku yimid,dhinaca Adeegyadda iyo hormaradda kale ee Garoonka Caalamiga ah ee Bander Qaasim Airport.

Wariye Xasan Heykal ayaa Haddaba Waraysigan Ka Qaaday Maareeyaha iyo shacabka.


Waraysiga Maareeyaha

Waraysiga Shacabka

Hoos Kadaawo Sawiradda Garoonka iyo Wariye Xasan Heykal

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: