Maraykanka oo xaqiijiyay in duqeyn lagu diley Bashiir Qoorgaab

HomeWararka

Maraykanka oo xaqiijiyay in duqeyn lagu diley Bashiir Qoorgaab

Dowlada Maraykanka ayaa ka hadashay markii ugu horeysay weerar la sheegay in lagu qaarijiyay Bashiir Qoorgaab oo ka mid ahaa saraakiisha sarsare ee ci

WARMURTIYEED: Qodobada ka soo baxay Madasha Aragti Wadaaga (Daawo)
Warka Fiidnimo iyo Khadar Cawl, Daljir Buuhoodle (dhegayso)
Madaxweynaha DDS Mustafe Cagjar oo balantii uu ka qaaday Guuleed Yare oofiyay (Sawiiro)

Dowlada Maraykanka ayaa ka hadashay markii ugu horeysay weerar la sheegay in lagu qaarijiyay Bashiir Qoorgaab oo ka mid ahaa saraakiisha sarsare ee ciidamada Al-shabaab.

Afhayeenka taliska Maraykanka ee Africa Col Chris Karns ayaa u sheegay idaacada VOA inuu aaminsan yahay in Bashiir Maxamed Maxamuud oo loo yiqiin Qoorgaab lagu diley duqeyn ka dhacday Saakow.

Duqeynta ayaa ka dhacday magaalada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe 22kii bsihii aynu ka soo gudubnay iyadoo lagu diley Bashiir Qoorgaab oo madaxiia ay saarneyd abaalmarin gaareysay shan malyan oo dollar.

Col Chris ayaa ku tilmaamay Bashiir Qoorgaab oo meesha ka baxay inay tahay horumar,lagana hortagay khatar ku soo wajahneyd dadka Afrikaanka ah iyo kuwa Maraykanka ah.

Maraykanka ayaa sheegay in Bashiir Qoorgaab uu ku lug lahaa weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadday saldhigga Manda Bay ee dalka Kenya 5-tii Jannaayo ee sannadkan oo ay ku dhinteen saddex muwaadin oo Maraykan ah isla markaana lagu burburiyey lix diyaaradood.

Qoorgaab ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay ururka Al-Shabaab oo ay ka mid tahay madaxa ciidamada, iyo unugyada kale ee jabhadaha ee ka hawlgala dalka Kenya.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ururka Alshabaab taasoo xaqiijineysa dilka Bashiir Qoorgaab.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: