Maraykanka oo war ka soo saaray xaaladda Muqdisho

Maraykanka oo war ka soo saaray xaaladda Muqdisho

Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Muqdisho ayaa ka hadashay xaaladaha ka taagan Magaalada Muqdisho iyo khilaafka doorashada ee sababay gacan ka hadalka.

Qoraal kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in khilaafka siuaasadees uu burburiyo rajada Soomaaliya, iyada oo baaq loo diray dhinacyada isku haaya Soomaaliya.

“Khilaafka siyaasadeed wuxuu burburiyaa rajada Soomaaliya. Waxaan mar labaad ka codsaneynaa dhamaan dhinacyada inay ka waantoobaan rabshadaha. Mar labaad waxaan ka codsaneeynaa Farmaajo iyo Maxamed Xuseen Rooble in dib loogu bilaabo wadahadalka lala yeesho hogaamiyaasha dowlad Goboleedyada. Tani waa wadada kaliya ee in horay loo socdo.

Beesha Caalamka ayaa aad uga walaacsan xilligaan rabshadaha ka dhacay Soomaaliya iyo xiisada dagaal ee ka taagan taas oo ka dhalatay muddo kororsigii Golaha Shacabka u sameeyeen Hay’adaha dowladda.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com