Maraykanka oo taageero xoog leh u muujiyey Ra’isul Wasaare Rooble

Maraykanka oo taageero xoog leh u muujiyey Ra’isul Wasaare Rooble

Dowladda Mareykanka ayaa waxaa ay taageero buuxda u muujisay dadaallada uu Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ka wado shirka dib loogu bilaabayo wadahadallada doorashooyinka.

Qoraal kooban ay dowlada Mareykanka ugaga hadashay arrimaha doorashooyinka dalka ayay ugu baaqday madaxda siyaasada dalka inay ka faa’ideystaan fursadan ayna gaaran heshiis degdeg ah;

“Hogaamiyaasha Somalida waa inay ka faa’iideystaan fursadan si loo dhameystiro heshiis doorasho oo deg-deg ah oo u wanaagsan dadkooda iyo dalkooda. Maxamed Husein Rooble waxa uu haystaa taageero buuxda”

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa la filayaa in uu si rasmi ah maanta oo Sabti ah uga furmo magaalada Muqdisho, kaasi oo uu shir guddoomin doono Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com