Maraykanka oo sheegay inu duqeyn ku dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Maraykanka oo sheegay inu duqeyn ku dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay 15-kii Bishaan Agoosto duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen meel u dhow degaanka Cali Heele oo 244 KM Waqooyi Bari ka xiga Muqdisho.

Weerarkaas ayaa Mareykanka waxa uu sheegay inay ku dileen 5 Xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab,isla markaana ay ku burburiyeen Xarun ay lahaayeen Al-Shabaab, isla markaana aysan waxba ku noqon dad rayid ah.

Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ilaa iyo inta laga wiiqayo awooda Al-Shabaab.

Warkaan kasoo baxay Taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ayaa kusoo aadaya xilli meelo kamid ah Gobolka Shabeellaha Dhexe ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, sidoo kalena diyaar garoow loogu jiro billaabida wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com