Maraykanka oo faahfaahin kabixiyey sarkaal CIA ka tirsan oo dhawaan lagu dilay Muqdisho

HomeWararka

Maraykanka oo faahfaahin kabixiyey sarkaal CIA ka tirsan oo dhawaan lagu dilay Muqdisho

Sarkaal ka tirsan CIA-da mareykanka ayaa dhintay Bishii hore intii lagu guda jiray howlgal ka dhan ahaa Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo loo maleyna

SSC-Khatumo Council of Elders meet Ethiopia Delegation in Garoowe
Iska baar viruska kahor talaaalka inta aadan qaadan
Caawa & Daljir iyo Cabdixakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)

Sarkaal ka tirsan CIA-da mareykanka ayaa dhintay Bishii hore intii lagu guda jiray howlgal ka dhan ahaa Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo loo maleynayo Soomaaliya inuu mas’uul ka ahaa weerar lagu dilay Askari Mareykan ah oo ka dhacay Kenya sanadkii hore.

Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Soomaaliya ayaa u sheegay Wargeyska the Guardian in howlgalkan uu ku dhintay Sarkaal ay fulinayeen ciidamo gaar ah oo isugu jiray Soomaali iyo Mareykan , kaas oo ka dhacay degaanka Gendershe, oo ah tuulo xeebeed qiyaastii 30 mayl dhanka koonfur-galbeed ka xigta magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Wargeyska Guardian oo soo xiganayay Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in gari ay la socden Ciidamo isugu jira Soomaaliya & Mareykan ay Al-Shabaab Miino ku qarxiyeen, sidaasina ay ku geeriyoodeen sarkaalka ka tirsanaa CIA-da mareykanka iyo Saraakiil kale oo Soomaali ah, qaraxaasi oo dhacay xilli habeen ah 6-dii Bishii November ee sanadkaan.

Sarkaal ka tirsan sirdoonka Soomaaliya oo la shaqeeya cutubka ciidamada gaarka ah ee “Danab” ee uu Mareykanku tababaray ee Shabeelaha Hoose ayaa yiri:

“Saraakiisheenna oo taageero ka helaya saraakiisha Mareykanka. Waxaan ku duulnay 2: 00 am habeenimo. diyaarado oo askarteena waxay lug ku tageen duurka ka hor inta uusan qarax weyn dhicin oo lagu dilay saaxiibkeen Mareykanka ahaa iyo afar ka mid ah saraakiisha Ciidamada Soomaaliya ayuu yiri ” Sarkaal ka tirsan sirdoonka Soomaaliya.

Sarkaalka ayaa sidoo kale u sheegay the Guardian in Howlgalkn uu ka dambeeyay, kaddib markii la helay macluumaad sheegaya in seddex Saraakiil Sar Sare ah oo ka tirsan Al-Shabaab ay habeenkaasi ku sugan yihiin degaanka Gendershe ee duleedka Marka, Kuwaas oo uu kamid yahay Cabdullaahi Cismaan Maxamed, oo ah khabiir sameeya waxyaabaha qarxa, sidoo kalena la rumeysan yahay inuu mas’uul ka qaraxyo badan oo boqolaal rayid ah lagu dilay Gudaha Soomaaliya sannadihii la soo dhaafay.

Maxamed, oo sidoo kale loo yaqaan “Injineer Ismaaciil”, ayaa dhowaan dowladda Mareykanku ku dartay liiska waxa loogu yeero “argagixisada caalamiga ah, iyada oo si gaar ah looga xayirayo wixii hanti ah ee uu ku lahaan karo gobollada Mareykanka isla markaana ka mamnuucaya dadka Mareykanka inay wax ganacsi ah la yeeshaan.

Warbixinta kasoo baxday Mareykanka ayaa sheegeysay in Sarkaalkaas uu yahay 36-jir khabiir sare oo Al-Shabaab u qaabilsan walxaha qarxa, madaxa garabka warbaahinta ee Al-Shabaab iyo lataliyaha muhiimka ah ee Axmed Diiriye oo ah , hogaamiyaha Guud ee Al-Shabaab.

Maxamed ayaa sidoo kale loo haystay inuu maleegayay weeraro is xigxigay sanadkii la soo dhaafay, oo ay ku jiraan weerarkii bishii Janaayo lagu qaaday xero milatari oo ku taal Kenya oo lagu dilay askari Mareykan ah iyo labo qandaraasle Mareykan ah.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: