Maraykanka oo cambaareeyay weerarkii lagu qaaday Saldhigga Balli-doogle

HomeWararka

Maraykanka oo cambaareeyay weerarkii lagu qaaday Saldhigga Balli-doogle

Dowlada Maraykanka ayaa cambaareysay weerar qarax ku bilowday oo saaka lagu qaaday Saldhigga ciidamada Balli-doogle ee gobolka Sh/hoose iyo qarixii Mu

Maamulka degmadda Baran oo ka hadlay mashaaric ka bilowday degmadaas (dhegayso|daawo)
Wararkii Ugu dambeyeey Muqaalo & Maqalba Daljir Youtube Kalasoco (Daawo)
Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)

Dowlada Maraykanka ayaa cambaareysay weerar qarax ku bilowday oo saaka lagu qaaday Saldhigga ciidamada Balli-doogle ee gobolka Sh/hoose iyo qarixii Muqdisho ee lagu weeraray Ciidamada Talyaani ah.

War Saxaafadeed laga soo saaray safaarada Maraykanka ee magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in lagu sheegay in wax khasaaro ah uusan weerarkasi kasoo gaarin Ciidamada xoogga dalka ee ku sugan xerada Balli-doogle ee Shabeellaha Hoose.

“Dowladda Maraykanka waxa ay cambaareynaysa weerarrada maanta ka dhacay Balidogle iyo Muqdisho. Waxaan amaanayna ciidamada Soomaaliyeed oo ka hortagay weerarka lagu soo qaaday fariisiin ciidanka Soomaaliyeed uu ku lee yahay Balidogle ee gobolka shabeelaha hoose.”ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamadii ku sugnaa Saldhigga Balli-doogle ay ahaayeen kuwo feejigan.

“Ciidanka ayaa ahaa mid fajignaan ka muuqatay waxayna ku guuleysteen in ay ka hortagaan wareerka fashilmey.”

Ugu dambeyn Mareykanka ayaa weerarkaan ku tilmaamay mid muujinaya in Al-Shabaab ay carqalad ku yihiin horumarka, nabadda iyo barwaaqada Soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: