Maqaal: Fursadaha Madaxweyne Muuse Biixi Kaga Duwan Yahay Madaxweynayaashii Hore

HomeWararkaMaqaalo Kale

Maqaal: Fursadaha Madaxweyne Muuse Biixi Kaga Duwan Yahay Madaxweynayaashii Hore

Madaxweyne Muuse biixi cabdi oo ah madaxweynihii shanaad  ee Somaliland doorato ; marka si kale loo eegana noqonaya madaxweynihii seddexaad ee shacbiw

Warbixinta TARTAN & TACLIIN habeenkii 8aad: Suldaan Hurre Sare Xarfo fkf CC Sharmaarke Sare Gaalkacyo (dhegayso)
Daljir & BBCMA: BARAARUGGA Haweenka | (Taxanaha 62aad daawo)
DAREEN 22aad: Abaarta SIMA iyo Saamaynteeda (dhegayso)

Madaxweyne Muuse biixi cabdi oo ah madaxweynihii shanaad  ee Somaliland doorato ; marka si kale loo eegana noqonaya madaxweynihii seddexaad ee shacbiweynaha Somaliland si dimuqraadi ah ugu  doortaan gacmahooda ( paper voting ) ;   halka Alle haw naxariistii madaxweynayaashii ka horeeyey Marxuum cigaal iyo marxuum C/rahman tuur ay ahaayeen kuwo ku yimid nidaam beelood oo ay doorteen beelaha ku dhaqan Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee , qori isku dhiibka nidaamka dhaqanka iyo dimurqaadiga  ee somaliland ku soo caano maashey muddadii ay jirtey ayaa madaxweyne kasta wixii taagtiisa ah ka soo qaatay  dhismaha qaranka iyada oo aan ka xusi karno mid walba shaqadii uu soo qabtay iyo tiirkii uu kaga soo hagaagay dhismaha qaranka ,  C/raxmaan tuur oo ahaa madaxweynihii ugu horeeyey ee somaliland waxa xilka loo dhaariyey 18-may-1991 iyada oo magaalada burco lagaga dhawaaqey waxaaanu awooda saarey hubka dhigistii iyo dib u hesheesiinkii beelaha somaliland isaga oo muddo kooban oo laba sanno ah hayey.

Marxuum cigaal waxa uu hirgaliyey qaybka mida hubka dhigistii iyo dib u heshiinkii beelaha somaliland iyo aasaaskii nidaamka dimuqraadiga ee ay somaliland uga wareegtay nidaamkii beelaha.

Madaxweyne Daahir rayaale kaahin waxa uu xooga saarey hirgalintii nidaamka dimuqraadiga ee uu seeska u dhigay marxuum cigaal Alle haw naxariistee waxaanu qabtay doorashadii u horeysay ee lagu codeeyo nidaamka dimuqraadiga 2003 , isagoo markaasi ku guuleystay isla doorashadaasi.

Madaxweyne Axmed siilaanyo waxa xilka loo dhaariyey 27-july-2010 , waxaanu muddadaasi xooga saarey sidii somaliland u helilahayd fursado maalgashi oo dalalka shisheeye ah , isagoo ku guuleysatay in ay riyooyinkaasi qaar ka mida rumoobaan iyada oo uu ku guuleysatay in shirkada DP World  oo laga leeyahay dalka   isutaga imaaraadka carrabta ee UAE ay heshiisyo maalgashiyo ah la gasho somaliland , waxa kale oo uu xooga saarey sidii somaliland beesha caalamka uga heli lahayd aqoonsi caalami ah inkasta oo aanu ku guuleysan muddo xileedkiisii 7-da sanno iyo afarta bilood ahaa

Si kastaba ha ahaatee ; Madaxweyne Muuse oo ah masuulka hadda wakhtigu u saamaxey hogaanka qaranka somaliland ayaa fursadahan aan xusi doono kaga duwan madaxweynayaashii hore ee somaliland , inkasta oo nolosha ay caqabadu wehel la tahay hadba wakhtiga la joogo , haddana waxay fursadahani u muuqdaan kuwo uu mujaahid muuse uu kaga midho dhalinkaro aqoonsiga iyo dhamaystirka hanaanka dimuqraadigayada somaliland oo aaney haysan madaxweynayaashii hore ee somaliland waxaanan ku soo koobey qodobadan hoose :-

  1. Somaliland Oo Midaysan

Xukuumadihii kale danbeeyey waxay xooga saaren sidii somaliland dadkeenu isku raaci lahaa min lawyacado ilaa galgala , waxaana xukuumadii u danbaysay ee somaliland ku  guulaysatay in laga codeeyo dhamaan gobolada dalka waxaana la soo xerogaliyey siyaasiyiin badan iyo beelo badan oo wax ka tabaney somaliland , sidaas awgeed waxay madaxweyne muuse u tahay fursad qaali ah in uu la wareego dal midaysan oo israacsan

  1. Fursadaha Maaligashiga  Oo Wakhtigan Dihin

 

Somaliland waxay leedahay khayraad dabiici ah oo isugu jira xoolo nool, xeeb dhererkeedu yahay 800 km oo dihin , noocyada kala duwan ee macdanta ugu qaalisan dunida, dhul ku fiican wax beerashada (fertilized land) , kuwaas oo dhamaantood ah kuwo aad wakhti xaadirkan u dhaw kuwa laga faa’iidaysan karo hadii la helo hogaankii arrinkaasi kaga dhabayn lahaa

  1. Hay’adihii dawliga ahaa oo dhisan

 

Madaxweyne muuse biixi wakhti badan ku qaadan mayso dhismaha hayadaha madaxa banana iyo kuwo dawliga ah , waxaana diyaar ah xaydaabkii dhisme iyo deegankii wasaarad waliba shaqadooda ku gudan lahayd , halka marka la barbar dhigo madaxweynayaashii hore uu mid waliba la kulmey duruuf ka duwan tan hadda taagan

  1. Cilaaqaadka  Somaliland La Leedahay Wadamada Dariska Oo Dagan 

 

Waxa jirtey wakhtiyo badan oo xidhiidhka wadamada jaarku uu ahaa mid baaxaa dagaya taasi oo u baahneyd in salka loo dhigo , waxa se wakhtigan muuqata in xidhiidhka wadamada jaarka  sida Ethiopia, Djibouti, kenya . iyo somaliya kuwaas oo dhamaantood laga dhaadhicin karo in laga somaliland hesho aqoonsi buuxa maadama ay somaliland buuxisey shuruuridihii looga dal

Diyaarintii iyo xog ururintii

Axmed Max’ed cismaan caalin

Email: [email protected]

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: