Madaxweynihii hore ee Tunisia Zine al-Abidine oo geeriyooday

HomeWararka

Madaxweynihii hore ee Tunisia Zine al-Abidine oo geeriyooday

Madaxweynihii hore ee dalka Tunisia Zine al-Abidine Ben Ali ayaa ku geeriyooday Sacudi Carabiya isagoo halkaas musaafuris ugu noolaa tan iyo markii xu

DEG DEG: Dagaal ka socda degaan katirsan Gobolka Hiiraan
Muuse Biixi oo ka hadlay xaalada gobolada Sool iyo Sanaag (dhegayso)
Xulashada Daljir iyo Cabdixakiin Xuseen Xasan ,Daljir Garowe (dhegayso)

Madaxweynihii hore ee dalka Tunisia Zine al-Abidine Ben Ali ayaa ku geeriyooday Sacudi Carabiya isagoo halkaas musaafuris ugu noolaa tan iyo markii xukunka laga tuuray sanadkii 2011.

Zine ayaa ahaa 83 sano jir waxana uu Madaxweyne ka ahaa dalkiisa muddo 23 sano ah isagoo ahaa Madaxweynihii labaad ee dalkaas soo mara.

Ben Ali ayaa ka cararay dalkiisa kadib markii kacdoon dadweyne uu ka dilaacay waxana uu kacdoonkaas ku fidey dalal badan oo Carab ah iyadoo xukunka laga tuuray madaxweynayaal muddo haystay dalalkooda.

Zine Ben Ali ayaa muddo saddex bilood ah ku jirey isbitaal isagoo la xanuunsanayay cudurka Kansarka ee ku dhaca qanjirada.

Qareenka qoyska Ben Ali Mounir Ben Salha ayaa u sheegay geeridiisa wakaalada wararka ee Reuters.

Dowlada Tunisia ayaa ka hadashay geerida Ben Ali waxaana shacabka reer Tunisia u xaqiijiyay Wasiirka Arrimaha Dibbada.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: