DEG DEG: Dagaal ka socda degaan katirsan Gobolka Hiiraan

DEG DEG: Dagaal ka socda degaan katirsan Gobolka Hiiraan

Wararka naga soo gaaraya degaanka Ceel Hareeri oo hoostaga degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan kuna yaalla xaduudka Gobolada Hiiraan & Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagal u dhaxeeya Ciidamada degaanka iyo Al-Shabaab.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamada degaanka ay weerareen goob ay isku aruursanayeen ay Al-Shabaab, iyaga oo doonayay inay weerar qaadaan, waxaana weli halkaasi laga laqmayaa hubka noocyadiisa kala duwan oo ay isku adeegsanayaan labada dhinac.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in Ciidamada degaanka oo gurmad u ah degaanka Ceelhareeri ay ka baxeen degaanka tardo iyo degmada Jalalaqsi si leysaga difaaco weerarka kaga yimid dhinaca Al-Shabaab.

Waxaa jira khasaaro kala duwan oo ka dhashay dagaalka, iyada oo qeybo kamid ah degaanka Ceelhareeri ay ka go’an tahay Isgaarsiinta maadaama dagaal uu ka socdo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com