Madaxweyne Xasan sheekh oo sheegay in la iskula xisaabtami doono dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

HomeWararka

Madaxweyne Xasan sheekh oo sheegay in la iskula xisaabtami doono dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan ku saabsan dardargelint

Garyaqaan Cabdiweli Siciid Xaaji: “Maxaabiista dagaalka Laascaanood dhamaantood wa in la qisaasa”
Madaxweyne Deni ” Haddii 75% Puntland dhallinyaro yihiin, masuuliyadda nasaaran 75% waa dhaalinyarada”
Shacabka Magaalada Boosaaso oo Soo Dhoweeyey Heshiiskii Puntland iyo P&O Ports (DHEGAYSO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan ku saabsan dardargelinta howlgallada xoreynta dalka waxa uu kula qaatay xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Saraakiisha hoggaaminaya howlgallada,Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda JFS.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey ciidanka Soomaaliyeed ee u istaagay xoreyta deegaannada ay Al-Shabaab kaga harsan yihiin dalka, waxa uuna xusay in si adag la isugula xisaabtamayo arrimaha la xiriira dagaalkan, maadaama uu aasaas u yahay jiritaanka dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in dowladda ay ka go’an tahay la-dagaalanka Al-Shabaab, dadaalladdii looga miro dhalin lahaana ay bud dhig u yihiin hoggaan wanaagga Saraakiisha hurmuudka u ah howlgallada,

Wuxuu sheegay in iskaashiga iyo la shaqeynta shacabka ay door weyn ka qaadaneyso dagaalka dalka lagu xoreynayo iyo sugida amniga caasimada iyo deegaanada ku hareeraysan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: