Madaxweyne Deni ” Haddii 75% Puntland dhallinyaro yihiin, masuuliyadda nasaaran 75% waa dhaalinyarada”

HomeWararka

Madaxweyne Deni ” Haddii 75% Puntland dhallinyaro yihiin, masuuliyadda nasaaran 75% waa dhaalinyarada”

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhallinyarada Puntland kala qayb galay Xuska Maalinta Caalamiga Ah ee Dhallinyarad

Kooxo hubaysan oo dil ka gasytay Magaalada Beledweyne & faah faahin laga helayo
Madaxweyne Deni: “Waxaan u baahanahay tayada ciidamada Booliska in aan kor uqaadno” ( daawo)
Puntland iyo Yemen oo iska kaashaday soo qabashada eedaysane dil gaystay

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhallinyarada Puntland kala qayb galay Xuska Maalinta Caalamiga Ah ee Dhallinyarada. Munaasibadda lagu xusayey maalintani ayaa waxaa soo qabanqaabiyey
Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland, waxaana kasoo qayb-galay masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda, Kooxda fanka ee Mahuraan, Abwaaniin, dhallinyaro iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Deni ayaa khudbad tariikhi ah ka jeediyey Xuska maalinta caalamiga ah ee Dhallinyarada, waxaana uu ugu hambalyeeyey maalintani mihiim ka ah.

“Marka ugu horaysa hambalyo maalinta Dhallinyarada Adduunka oo ah maalin ku astaysan in la xasuusto dhallinyarada doorkooda, laguna baraarugo waxqabadkooda,
waxaan rabaa halkan inaan ka sheego kooxda Mahuraan inay ka tirsan tahay Wasaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha maanta wixii ka dambeeya,
waxay noqondoonaan Hay’adda raacsan Wasaaraddaas, miisaaniyaddeeda iyo waxtarkeeduna Wasaaradda ayaa loo xilsaaray”

“Dhallinyaradu waa Xooggii dalka, xagan waxaa lagu dhigay “Dhulku Waa Dhallinyaro” balse waxaan runtii aad uga xumahay in dhallinyaradii ay aad hadda ugu jihaysatey waxyaabaha maandooriyayaasha ah oo dalka ku soo badanaaya oo runtii aanay ahayn dhaqan, akhalaaq, diin iyo feker dadkeenu lahaan-jireen, dadkan waa dad muslimiin ah, waa dad dhaqanka ku adag, waa dad suugaantooda iyo waxgaradkoodu ay u diyaariyeen umad nool inay noqdaan, dhallinyaro fursad baad weli haysataan. Dowladda aan anigu hadda Madaxda ka ahay muhiim bay u tahay dhallinyaradu maxaa yeelay 75% haday bulshada dhallinyaradii yihiin, masuuliyadda nasaaran 75% waa dhaalinyarada marka”
Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland oo kahadlaya fursadaha shaqo ee ka jira dalka ayaa tilmaamay in Puntland ay tahay meel loo soo shaqotago, balse dadkeedu aanay fahansanayn fursadaha jira iyo abuuridda shaqooyinka.

“Puntland waa loo soo shaqotagaa, marka ma noqonayso dadka reer Puntland shaqo mahaystaan, dalalka la leeyahay dadkoodu shaqo ma ahaystaan xitaa waxay la’yihiin musqul ay dhaqaan, meel ay ka shaqeeyaan maleh, wuxuu sugayaa nin ka tegey shaqo, mid dhintay iyo mid hawlgabnoqday shaqadiisa, shaqo la’aanta la sheegayaa waa taas, lakiin umad aan waxbaba ka shaqaynayn
oo hadana oranaysa shaqo la’aan baa nahaysa waa mushkilad, arrintaasi waxa ay u baahan tahay in si gaar ah loo baaro weliba Wasaaradaha ay khisayso”.

“Hay’addaha waxaan ka codsanayaa in mashariicdooda ay ku saleeyaan baahida halkan ka jirta. Waxaan aad uga xumahay in shaqooyinku iska noqdaan wax-baa sidaa layeeli jirey, waxaan rabnaa inaan noqono umad wax-soo-saar leh oo maskaxda ka shaqaysa, baahida qeexda, waddo xal ahna keenta oo aan la oran saas ayaa la yeelijirey. Waxaan rabnaa Puntland Dhallinyaradeeda dhinaca Ciyaaraha inay Kaalinta Koowaad ahaato, Dhinaca aqoonta kow noqoto, dhinaca arrimaha bulshada iyo meelaha laga muuqdo ay noqdaan
dad leh hogaamin iyo feker muqleh, Soomaaliya sidii midnimadeeda loo soo celin lahaa inay doorweyn ka qaadato ayaan rajaynaynaa Insha Alla, 13kii dhallinyarada ahaa ee SYL fekerkoodu Puntland ayuu ka bilaabmay Soomaali oo dhanna waa ay ahaayeen” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa daahfuray barnaamij lagu tababarayo dhallinyaro xirfadaha gacanta
ee Korontada, samaynta Telefoonada iyo xirfado kale oo muhiim ah, waxaa ka faa’iidaysanaya 40 hablood iyo 60 wiil oo dhammaantood dhallinyaro ah,
waxaana Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland kala qayb-qaadanaya Hay’addaha Horn Vison iyo UNICEF.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: