Madaxweyne Xasan Sheekh oo markale ka hadlay faragelinta Itoobiya ay ku heyso Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo markale ka hadlay faragelinta Itoobiya ay ku heyso Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey madasha diblumaasiyadda ee Antalya ee dalka Turkiga ayaa ku tilmaamay hogaanka Itoobiya mid doonaya in uu dibadda u xawilo dhibaatooyinka ka jira gudaha dalkiisa.

“Taariikh dheer ayaan leenahay annaga iyo deriskayaga Itoobiya, 6 ilaa 7 qarni, inta bandanna ma ahayn taariikh wanaagsan,” ayuu yiri madaxweyne xasan oo sheegay in ay doonayaan in taariikhdaas laga gudbo oo la dhiso xiriir dhaqan dhaqaale oo u dhexeeya labada dal.

Hase yeeshee madaxweynhu wxuu sheegay “nasiib darro marka uu hogaanku wajahayo dhibaato gudaha ah oo uu doonayo in uu indhaha dadkiisu ku xawilo arrima dibadda ah, waa dhibaato halis ah” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

“Waxaa jira dalal badan oo bad la’aan ah, dhamaantoodna badda way isticmaalaan, waxaana jira qaab caalamku isla oggolyahay oo ku aaddan sida ay dalalka aan badda lahayni uga faa’iideysan karaan badda,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya isaga oo sii raaciyey “taasi kama dhigna inaad qayb goosato ama in aad saldhig milatari ka samaysato dalkaas.

Xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa bilaabatay ka dib heshiis is-afgarad oo dhex maray Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland iyo Itoobiya, kaas oo dhigayey in Itoobiya laga kireeyo 20 kiilo mitir xeebaha Somaliland kuna badalato aqnoosi.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com