Madaxweyne Xasan sheekh oo kulan la qaatay wasiirka Arrimaha dibada Burundi

Madaxweyne Xasan sheekh oo kulan la qaatay wasiirka Arrimaha dibada Burundi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Madaxtooyada kulan kula qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Burundi Albert Shingiro oo booqasho ku jooga Magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa soo gaarsiiyey Madaxweynaha farriin iyo salaan uu ka siday Madaxweynaha dalkiisa Évariste Ndayishimiye, iyadoo Dowladda Burundi ay hoosta ka xariiqday muhiimadda nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay u leedahay Gobolka iyo Adduunka.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in dalkiisu ay bogaadinayaan guulaha degdegga ah ee dowladda Soomaaliyeed ay ka gaartay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, isagoo sheegay in dalkiisu ay garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com