Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab & Abaaraha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab & Abaaraha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo baaq u diray shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ayaa ka hadlay khatarta macaluusha ku soo wajahan kumannaanka qoyska ee la tacaalaya abaarta ka jirta gobollada dalka.

Wuxuu sheegay in dalka meelo badan oo kamid ah ay kajiraan duruufo abaareed oo sababi kara in ay isku bedesho mid macluul ah, hayeeshee dadaalka dowladda Soomaaliya & shacabka ay u mideysan yihiin ay tahay in abaarta ay gaarto heer macluul ah.

Madaxweynaha oo ka hadlay gunaanadkii Shirkii Madaxda dowladda & Dowlad Goboleedyada ayaa wuxuu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed & Beesha Caalamka inay u soo gurmadaan dadka Soomaaliya ay ku saameysay Abaarta.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyey baraarugga iyo kacdoondka shacabka Soomaaliyeed ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda meelo badan oo kamid ah dalka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com