Madaxweyne Xasan sheekh oo gaaray London

Madaxweyne Xasan sheekh oo gaaray London

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada London ee dalka Ingiriiska, halkaas oo siwyen loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga Madaxweynaha oo ay mas’uuliyiin kala duwan qeyb ka yihiin ayaa waxaa ay magaalada London uga qeyb galayaan Maanta shirka hoggaamiyeyaasha caalamka ee ka hortagga cunno yarida iyo aafooyinka sababa.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Kulamo la qaadan doona Madaxda dalka Ingiriiska oo uu kala hadli doono dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo in ay ka taageeraan Soomaaliya qorshaha qaran ee qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran dalka, maadaama ay xubin ka yihiin Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadal ka jeedin doona shirka, isaga oo ka hadli doona arrimo ay kamid yihiin, dagaalka ay dowladda kula jirto Al-Shabaab iyo fatahaadaha.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com