Madaxweyne Xasan sheekh oo gaaray Asmaraa

HomeWararka

Madaxweyne Xasan sheekh oo gaaray Asmaraa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gabaldhicii galabta l gaaray magaalada Asmaraa ee caasimadda dalka Ereteri

Caawa & Daljir iyo cXakiin Xuseen Xasan, Daljir Qardho (dhegayso)
Dagaal khasaare geeystay oo ka dhacay gobalka Galgaduud
Daawo-Farmaajo oo Khudbad Qiira Badan Ka Jeediyey Xalay Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gabaldhicii galabta l gaaray magaalada Asmaraa ee caasimadda dalka Ereteriya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa Asmara uga bilaabmatay booqasho labo maalmood ah, Madaxweynaha ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Asmara Madaxweynaha dalkaas Isaias Afwerki.

Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, kor u qaadidda iskaashiga difaaca, amniga iyo ilaalinta xasilloonida Gobolka.

Eretriya ayaa dowlada Somalia horey ugu tababartay kumanaan askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo haatan dagaal kula jira Al shabaab, iyadoo weli uu dalkaas tababar uga socdo cutubyo kale oo ka tirsan ciidanka milateriga Somalia.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: