Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay Madaxweynihii hore Maxamed Cabdillahi Farmaajo

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay Madaxweynihii hore Maxamed Cabdillahi Farmaajo

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah xilka uga wareejiyay kadib munaasabad lagu qabtay madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha cusub wuxuu madaxweynihii hore uga mahadceliyay sida wanaagsan ee uu xilka ugu wareejiyay.

Madaxweynaha xafiiska baneeyay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa madaxweynaha cusub uga warbixiyay howlihii uu gacanta ku hayay ee u baahan in la dhameystiro kuwaas oo ay kamid yihiin deynta cafinta iyo dib u dhiska ciidanka.

Wuxuu ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan madaxweynaha cusub isla markaana uu garab taagan yahay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com