Madaxweyne Waare oo hambalyada Ciidka u diray shacabka somaliyeed

HomeWararka

Madaxweyne Waare oo hambalyada Ciidka u diray shacabka somaliyeed

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Bulshada Hirshabelle meel kasta oo ay joogaan ugu

Madaxweyne Muuse Bixii oo la kulmay Wafdi kasocda Ugandha (Sawiro)
Shil Gaadhi oo ciidamada federaalku sababeen oo ka dhacay Jigjiga dhaawacna gaystay
Warka Caweysin, Cabdixakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Bulshada Hirshabelle meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Fidriga.

Madaxweynaha oo ku hadlayay afka Golayaasha Dowladda ayaa sheegay in bishii Ramadaan ee kheyrka badneyd uu Ilaahay dadka naxariis ballaaran u fidiyo, loona baahan yahay shacabka Soomaaliyeed iyagoo taas la shidaal qaadanaya inay is cafiyaan, isu naxariistaan, isuna gargaaraan munaasabadda Ciidul Fidriga awgeed, isagoo Alla ka baryay in alla uu naga dulqaado Cudurka Safmarka ah ee Covid 19.

“Ilaahay ha inaga aqbalo soonka iyo cibaaddada kale ee aan la nimid bisha Ramadaan, shacabka Soomaaliyeedna Ilaahay ha siiyo raxmad, nabad iyo caddaalad, Inagoo ka faa’ideysaneyna munaasabaddan weyn ee kheyrka leh, waxaan Soomaalida ugu baaqayaa inay ka shaqeeyaan dib u heshiisiinta, nabad ku wada noolaansho si gaar ah Bulshada Reer Hirshabelle, waxaan rabi uga baryayaa Guud ahaan Dunida Gaar ahaan Umadda Soomaaliyeed in uu ilaah ka dulqaado Cudurka Sida daran u faafa ee Covid 19” Ayuu Yiri Madaxweyne Waare.

Maxamed Cabdi Waare madaxweynaha Dowladda Hirshabelle ayaa si gaar ah Ugu hambalyeeyay Ciidamada Qalabka Sida ee Ka howlgala Deegaannada Hirshabelle ee habeen Iyo maalin u taagan u qidmeynta bulshada iyo xaqiijinta Amniga, sidoo kale ciidamada dagaalada kula jira kooxda argagaxisada Al shabaab Oo muujinaya geesinimo iyo dhalinyarada deegaanka ee macawiisleyda Oo kooxdaasi kula dagaalamaya, Deegaanno Ka tirsan Hirshabelle ayuu sidoo kale madaxweynaha Dhambaal hambalyo u Diray.

Mudane Waare ayaa ugu dambeyn shacabka Soomaaliyeed Ilaahay uga baryey in ciiddan ciiddeeda kale ay ku gaaraan, nabad, horumar ,barwaaqo iyo midnimo.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: