Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo soo saarey go’aano kale oo looga hortagayo COVID 19

HomeWararka

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo soo saarey go’aano kale oo looga hortagayo COVID 19

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ugu yeeray dadka reer Kenya inay si adag u waafaqaan talooyinka ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka si loo joojiyo fi

Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Agaasimaha Madaxtooyada Puntland oo Burtinle Gaaray
Liiska xubnaha Golaha Deegaanka la doortay ee Degmada Ufayn, 8 Gabdhood ayaa kusoo baxay

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ugu yeeray dadka reer Kenya inay si adag u waafaqaan talooyinka ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka si loo joojiyo fiditaanka Cudurka Coronavirus.

Madaxweynaha ayaa sheegay in tilaabooyinka ilaa iyo hadda ay qaadday Dowladdu ay tahay in lagu hubiyo in muwaadiniintu ay sii wataan Shaqadooda tan iyo markii si dhaqs ah dad looga helay Cuudrka.

“Fadlan u hogaansan talooyinka ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka si aad u dhawrto naftaada iyo kuwa aad jeceshahay. Ka hortagga ayaa ka wanaagsan daaweynta, ”ayuu yiri Madaxweynaha mar uu Wareysi toos ah siinayey idaacadda maxalliga ah ee FM-Kameme.

Madaxweyne Kenyatta ayaa hoosta ka xariiqay in si joogto ah gacmaha loogu dhaqo saabuun, xirashada maaskaro iyo kala fogeynta bulshada iyada oo qaar ka mid ah talooyinka ugu muhiimsan ee ay dadka reer Kenya u baahan yihiin inay si adag u raacaan si loo xadido faafitaanka cudurrada neef-mareenka.

Cudurkani waa cadow aan la arki karin oo qofna ma sheegi karo cidda cudurka qabta iyo haddii kale, sidaa darteed anaga ayay u fiican tahay inaan beddelno qaab-nololeedkeenna. Waa inaan iska ilaalinaa inaan gacan qaadno ama kulanno bulsheedeena ayuu sii raaciyey hadalkiisa”Madaxweyne kenyata.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: