Agaasimaha Madaxtooyada Puntland oo Burtinle Gaaray

Agaasimaha Madaxtooyada Puntland oo Burtinle Gaaray

WARBIXIN+SAWIRRO:- Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dawladda Puntland iyo Masuuliyiin Kale oo Kormeer Shaqo Ku Tagay Degmada Burtinle Lana Kulmay Bulshada Degmadaas.

Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Dawladda Puntland Mudane Cabdinaasir Biixi Soofe iyo masuuliyiin kale oo Dawladda ka tirsan ayaa maanta 22 April 2017 waxay  kormeer shaqo ku tageen degmada Burtinle oo ka mid ah degmooyinka Gobolka Nugaal.

Agaasimaha waxaa kormeeka ku wehelinayey taliyaha ciidanka Booliska Puntland Jen. Cabdiqaadir Shire Faarax “Erag” iyo taliyaha qaybta booliska Gobolka Nugaal Cabdirashiid Maxamuud Aw-xuseen iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Masuuliyiintan ayaa ugu horrayn booqday xarunta Dawladda Hoose oo ay ka socotay raashin qaybin loo samaynayay qaar kamid ah dadkii ay saamaysay abaarta baaxadda leh ee ka jirta xiligan guud ahaan Soomaaliya, waxaana rashinkaasi bixiyay hay’ad khayri ah oo ka dhisan dalka Kuwait iyadoo lasoo marsiiyay hay’adda tadamun.

Hoolka shirarka ee xarunta Degmada Burtinle ayaa sidoo kale waxay masuuliyiintu kula kulmeen guddoomiyaha degmada Burtinle Maxamed Maxamuud Buurdibi  iyo xubanha guddiga joogtada ah ee Golaha deegaanka Degmada Burtinle iyagoona ka dhegaystay warbixino la xiriira horumarka ay degmadu samaysay, xaaladda abaaraha iyo arrimo kale.

Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Dawladda Puntland iyo masuuliyiinta kaleba waxay sidoo kale la kulmeen qaar kamid ah odayaasha dhaqanka degmada Burtinle iyagoona ka xog waraystay wada shaqaynta ka dhaxaysa odayaasha iyo maamulka degmada, iyo sidoo kale arrimaha abaaraha oo dhibaato xoog leh u gaystay dad iyo duunyaba.

Masuuliyiinta ayaa sidoo kale meel fagaare ah kula hadlay dadweyne aad fara badan oo ka tirsan bulshada degmada burtinle iyo dadka reer guuraaga ah ee kasoo xerooday miyiga kadib markii ay xoolihii ka dhamaadeen, waxayna masuuliyiintu dadweynahaas kula dardarmeen in la muujiyo wada shaqayn iyo isku xirnaan isla marakaana lala shaqeeyo maamulka degmada Burtinle, meelna looga soo wada jeesto sidii loogu gurman lahaa dadka ay abaartu saamaysay ee wali ku dhaqan dhulka miyiga ah.

Intaa kadib masuuliyiinta ayaa kormeeray saldhiga ciidanka Booliska ee degmada Burtinle iyo laamaha kale ee maamulka degmada Burtinle, waxayna masuuliyiinta goobahaas kula dardarmeen in lasii xoojiyo adkaynta arrimaha nabadgelyada iyo horumarka degmada.

–DHAMMAAD–

Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com