Madaxweyne Trump oo muujiyay inuu ka tagayo Aqalka Cad

HomeWararka

Madaxweyne Trump oo muujiyay inuu ka tagayo Aqalka Cad

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa muujiyay inuu ka tagayo Aqalka Cad ee looga taliyo Maraykanka haddii guddiga doorashada ay si rasmi ah u cad

Caawa & Daljir iyo Cabdixakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Warka Fiidnimo iyo Xasan Heykal, Daljir Bossaso (dhegayso)
Siyaasi Daahir Ciiro, “Barlamaanku Waxay Qaadeen Tallaabo la Sugayey” (dhegayso)

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa muujiyay inuu ka tagayo Aqalka Cad ee looga taliyo Maraykanka haddii guddiga doorashada ay si rasmi ah u cadeeyaan in uu Joe Bien ku guuleystey codadka Nidaamka Ergada.

Donald Trump ayaa weli diidan inuu aqbalo guusha Biden uu ka gaaray doorashadii dhacda 3dii bishan isagoo ku timaamay doorashadaas inay tahay mid la musuqmaasuqay.

Hase yeeshee Joe Biden ayaa la sheegay inuu ka helay codadkii nidaamka ergada codad gaaraya 306 cod halka uu helay 232 cod.

Tirada uu helay Biden ayaa aad uga badan 270 oo ah intii loo baahnaa in lagu guuleysto, waxana uu sidoo kale Mr Biden ka badan yahay Trump codbixinta dadweynaha in ka badan lix milyan.

Codbixiyeyaashu waxay kulmi doonaan bisha soo socota si ay cod rasmi ah uga dhigaan, iyadoo Dimuquraadiga Joe Biden loo dhaarin doono xilka madaxweynenimada 20-ka bisha Janaayo.

Horraantii toddobaadkan, Mr Trump wuxuu ugu dambayntii ogolaaday diyaarinta kala-guurka rasmiga ah ee kooxda madaxweynaha la doortay ee Biden inuu bilowdo, ka dib dhawr toddobaad oo uu hubaal la’aan ahaa.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: