Wasiirka Maaliyadda Itoobiya oo ka hadlay dagaalka ka socda dalkaas.

Wasiirka Maaliyada dowlada Ethiopia Axmed Shidde ayaa sheegay in howlgalada Milatari ee ay ciidamada Ethiopia ka wadaan Waqooyiga dalkaas si dhaqso ah lagu soo gabagabeyn doono.

Shiddo oo wareysi siiyay FRANCE 24 ayaa ku tilmaamay dagaalada ka soconaya gobolka Tigrey inuu yahay mid lagu soo celinayo amarka iyo kala dambeynta.

“Howlgaladan waa mid amarka iyo kala dambeynta lagu soo celinayo ujeedkiisana uu yahay in jabhadda TPLF looga badbaadinayo shacabka Tigray.”ayuu yiri Wasiir Shiddo.

Wasiirka Maaliyadda dalka Ethiopia ayaa ku eedeeyay jabhadda xoreynta Tigrey inay xasuuq geysatay isagoo tusaale u soo qaatay in 9kii bishan xasuuq ka dhacay Mai-Kadre kaasoo boqolaal dad rayid ah lagu diley.

Tan iyo markii uu dhowaan ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed weerar ka dhan Jabhada Tigrey ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in xasuuq badan uu ka dhacay gobolka Tigray inkastoo qadadka internetka iyo taleefanadaba laga jaray gobolkaas.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com