MADAXWEYNE DENI OO XALAY SOO SAARAY 6 DIGREETO, 26 XILNA MAGACAABAY

MADAXWEYNE DENI OO XALAY SOO SAARAY 6 DIGREETO, 26 XILNA  MAGACAABAY

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa xilli dambe oo xalay ahayd soosaaray digreetooyin xiriir ah oo uu ku magacaabay masuuliyiin kala duwan oo iskugu jira heer gobol, mid Puntland yo la taliyaal dhankiisa ah.

Lix digreeto oo daqiiqado isku xigay soo baxay, ayuu madaxweynuhu ku magaacay illaa 26 xil ama jago, xilalkaasi oo 14 ka mid ah ay yihiin agaasimayaal guud oo wasaaraha Puntland ah, waxaana agaasimayaasha la magacaabay ku jira rag horay xilal kala duwan uga soo qabtay Puntland.

Dhanka gobolada, Madaxweynaha ayaa magacaabay guddoomiyayaasha gobolada Nugaal iyo Gardafu, waxana gobolka Nugaal Guddoomiye loogu magacaacay Cabdiraxmaan Abshir Faarax ‘Qaanqaan’ oo dhawr jeer soo noqday Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Nugaal, halka Cumar Cismaan Siciid na loo magacaabay guddoomiyaha gobolka Gardafu.

Digreetooyinka uu xalay soo saaray madaxweyne Siciid Cabdillaahi Deni, waxaa iyana sidoo kale uu ku magacaabay taliyayaasha qaybaha booliska ee gobollada Nugaal, Sanaag iyo Gardafuu, iyadoo taliyihii hore ee qaybta booliska gobolka Nugaal loo baddelay gobolka Karkaar.

Mid kamid wareegtooyinka madaxweyne ee xalay ka soo baxay madaxtooyada, waxaa lagu magacaabay taliyaha cusub ee ururka ciidan ee Danab, ahna ciida ka kumaandada Puntland oo ka tirsan madaxtooyada, waxaana xilkaasi loo magacaabay G/dhexe Qaasim Jaamac Shire.

Jagada loo magacaabay taliyaan cusub ee Danab, waxaa horay ugu magacawnaa, xilkaasina hayey muddo dheer Gen. Jimcaale Jaamac Takar oo ah hoggaanka ciidamadii dhawaan magaalada Garowe kula dagaallamay ciidamada kale ee dawladda.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale magacaabay la taliyayaal, waxaan Cabsi Xirsi Cali Qarjab oo horay u soo noqday wasiir amniga Puntland iyo guddoomiye gobol oo Nugaal ah loo magacaabay lataliyaha madaxweynaha ee arrimaha gudaha iyo amniga, halka Qaalib Xasan Maxamuud Baaruud loo magacaabay lataliyaha madaxweynaha ee arrimaha saxaafadda iyo wacgigelinta.

Wareegtooyinkaasi ka soo baxay xafiiska madaxweynaja xalay oo Axad ahayd ayaa noqonaya kuwii ugu badnaa ee saacado gudahood ka soo baxa madaxtooyada, waxayna imaanayaan xilli ay weli taaganyihiin arrimo kala maanduwanaaneed oo xagga siyaasadda, una dhaxeeya dawladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Diiwaanka Wararka | Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com