Madaxweyne Ramaphosa oo ka badbaaday codka kalsoonida

Madaxweyne Ramaphosa oo ka badbaaday codka kalsoonida

Baarlamaanka Koonfur Afrika ayaa diiday dacwadda xil ka qaadista ee ka dhanka ah madaxweyne Cyril Ramaphosa, sida uu shaaciyay guddoomiyaha Baarlamaaka dalkaas.

Xubnaha Baarlamaanka ayaa u codeeyay inay diidaan warbixin ay soo saareen guddi khubaro ah oo helay caddaymo horudhac ah oo muujinaya in Ramaphosa laga yaabo inuu ku kacay anshax-xumo la xiriirta lacag lagu qariyay beertiisa.

Fadeexaddan oo markii hore ay warbaahintu baahisay ayaa Ramaphosa beeniyay inuu wax khalad ah sameeyay.

Madaxweyne Cyril Ramaphosa, ayaa waxa uu ka horyimid warbixinta maxkamada, balse qaar ka mid ah mucaaradka ayaa ku baaqay in uu iscasilo

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com