Madaxweyne Qoor Qoor oo sheegay in Galmudug markii ugu horreeyso heleyso Garoon Caalami ah

Madaxweyne Qoor Qoor oo sheegay in Galmudug markii ugu horreeyso heleyso Garoon Caalami ah

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye ayaa booqasho indha-indheen ah ku tegay garoonka diyaaradaha ugu wayn degmada Caabudwaaq, kaas oo loo dhisayo si heer caalami ah, gacantana ay ku hayso shirkad ku taqasustay dhismaha garoomada diyaaradaha.

Masuulka dhismaha garoonka ayaa xusay dhabbaha diyaarahadaha garoonkan, uu balac ahaan lamid tahay garoomada waa wayn ee Soomaaliya, mudo sedex bilood ahna lagu soo af meerayo dhismihiisa, sidoo kalana la filayo in ay ka soo caga dhigtaan, diyaarado heel caalami ah.

Madaxweyne Axmed Cabdi kaariye ayaa xusay in Galmudug markii ugu horeesay ay heli doonto garoon heer caalami ah, sidoo kalana ugu baaqay shacabka reer Galmudug in ay maal gashtaan, isku tashina ku dhistaan deegaanadooda.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com