Madaxweyne Mustafe Cumar  & Wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu soo dhaweeyay  Jabuuti

HomeWararka

Madaxweyne Mustafe Cumar & Wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu soo dhaweeyay Jabuuti

Masuuliyiin uu hoggaaminayo madaxweynaha Dowlad degaanka Soomaalids Mustafe Muxummed Cumar ayaa gaaray magaalada Jabbuuti ee caasimadda waddanka Jabbu

Nabadoon Yaasin Cabdisamad oo ka hadlay Amniga Magaaladda Gaalkacyo (dhegayso)
Natiijada Shirkii Golaha Xukuumadda Soomaaliya ee Magaalada Kismaayo
Injineer u dhashay dalka Turkiga oo ku geeriyooday Qarax ka dhacay Muqdisho

Masuuliyiin uu hoggaaminayo madaxweynaha Dowlad degaanka Soomaalids Mustafe Muxummed Cumar ayaa gaaray magaalada Jabbuuti ee caasimadda waddanka Jabbuuti.

Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa ku wehlinayaan madaxwayne-ku-xigeenkiisa Ibraahim Cusmaan Faarax, madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida Inj. Maxammed Shaalle Isaaq iyo wasiirka Xafiiska War-faafint C/qaadir Rashiid Ducaale.

Wafdiga waxaa xudduuda waddamada Itoobiya iyo Jabbuuti ku qaabbilay masuuliyiin uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha waddanka Jabbuuti Siciid Nuux iyo guddoomiyaha gobolka Cali Sabiix, Muuse Aadan.

Masuuliyiinta ayaa berri kaga qeyb-gali doona waddanka Jabbuuti shirka madasha aragti-wadaagga ah oo uu soo agaasimay mac’hadka Heritage oo uu marti-galiyay madaxwaynaha waddanka Jabbuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Madasha shirka Heritage ayay Soomaalida gobolka iyo kuwa caalamkuba isku waraystaan, isla markaana uga doodaan danaha guud ee ka dhaxeeya Soomaalida. tan iyo aas-aaskii machadka waxaa la qabtay shan kulan oo midkii ugu danbeeyay uu ka qabsoomay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Geba-gabada ama xeritaanka madashaan ayaa waxaa la filayaa in uu ka qeyb galo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble si uu Shirweynaha u soo xiro.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: