Madaxweyne Ku-xigeenkii Xibin iyo Xeeb oo Gorfaynaya Wasiirada Cusub ee Galmudug (dhegayso)

Madaxweyne Ku-xigeenkii Xibin iyo Xeeb oo Gorfaynaya Wasiirada Cusub ee Galmudug (dhegayso)

Siyaasi Cabdi Maxamed Suldaan Axmed Nuur oo horey usoo noqday Madaxweyne ku xigeenkii Hore ee Ximin iyo xeeb oo maanta waraysi sinayeey Radio Daljir ayaa ka hadlay Wasiiradii uu dhawaan soo magacaabay Madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Ducaale Xaaf iyo Xiisada dagaal ee Gal-Mudug iyo Ahlusunna.

Siyaasigan ayaa sheegay in Ay wanaagsantahay in lasoo dhiso Gole wasiiro balse ay mudnayd in uu wax kabadalo Golaha wasiirada oo u badan Wasiiradii hore,isago sheegay in madaxweyne Xaaf wakhtiga uu ku dheeraday taasna ay keentay inuu soo celiyo wasiiradii Hore.

Dhinaca kale Xiisad katagan Mareergur ayuu ka hadlay wuxuuna sheegay in wax laga xumaado ay tahay xiligan iyado la rajaynayo wada hadal in xiisad ay soo cusboonaato,wuxuna ugu baaqay labada dhinac in nabada laga shaqeeyo oo wada hadalka laga dhabeeyo.

DHEGAYSO

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0