HomeUncategorized

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo la kulmay Ciidan ka Gadooday Mushaar la’aan

Talaado, September 15, 2015 (Daljir) — Madaxwayne ku xigeenka Dowladda Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camay ayaa maanta oo Tallaado ah booqasho gaaban ku tagay xerada ciidanka Ganeral Maxamed Dirir (54) oo ku taala duleedka magalada Garowe.

Daawo Sawiradda Hoolka oo ay ka socoto doorashada Baarlamaanka Puntland & Khubdaha musharaxinta oo wali socda
DHAGAYSO: Tarsan oo si Adag uga Hadlay Xadhig RW Somaliya loogu Gaystay Nairobi,Dhaliil-na u Jeediyay Dowladda
AMISOM oo Qaadaysa howl-gal ka dhan ah Al-shabaab

Talaado, September 15, 2015 (Daljir) — Madaxwayne ku xigeenka Dowladda Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camay ayaa maanta oo Tallaado ah booqasho gaaban ku tagay xerada ciidanka Ganeral Maxamed Dirir (54) oo ku taala duleedka magalada Garowe.

Kormeerka Camey ee xeradaasi ayaa salka ku haysay dhagaysiga cabashooyin dhanka mushaharka la xariira oo ciidanka ku jira kasoo yeeraysay maalmihii lasoo dhaafay, wuxuna halkaaso kula kulmay Taliyaha guud ee ciidanka difaaca Puntland Gen.Maxamed Siciid Dheere iyo ku xigeenkii Gen,Dayir Xaaji, wuxuna ka dhagaystay war bixin la xariirta xogta xerada iyo tan ciidanka.

Madaxwayne ku xigeenka intaasi ka dib waxa uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka difaaca Puntland, wuxuna sheegay inay wax badan ka qaban doonaan baahida ay sheegayaan ayna mar kasta ku seexdaan geesinimada iyo dadaalka ay habeen iyo maalin dalkooda u hayaan.

Taliyaha guud ee ciidamada difaaca Puntland Ganeral Siciid Maxamed Xisri (Siciid Dheere) ayaa sheegay ciidankani inay dalka u soo hoyeen guulo wax ku ool ah , Taliyaha ayaa sheegay ciidanku inay tabanayaan xaquuq ka maqan, ugu danbeyntii madaxwayne ku xigeenka ayaa balan qaaday inay xaquuqda ciidanka siinayaan.

Kormeerka madaxwayne ku xigeenka ee xerada Gen.Dirir ayaa kusoo aadaysa xilli maalin ka hor ciidanka ku sugan gadood sameeyeen iyagoo u sababaynaya mushaharkooda oo weli ka maqan.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: