HomeUncategorized

Dowladda Puntland oo Garowe ka Bilowday Dhismaha Garoon Diyaaradeed oo Cusub

Talaado, September 15, 2015 (Daljir) — Wasaradda Duulista hawada iyo garoomada Puntland ayaa sheegtay in dhowaan ay Garowe yimaadeen Injireeradii hordhaca u ahaa shirkada dhisaysa garoonka diyaaradaha Caasimada Garowe, kuwaasoo sahminaya halkii la dhigi lahaa agabka looga shaqaynayo dhismaha garoonka.

Madaxweyne Gaas oo agaasime cusub u magacaabay madaxtooyada Puntland.
Dagaal Muqdisho xalay ka dhacay iyo guulo la kala sheegtay
Dhagayso Caawa iyo Daljir Sabti 21 – May – 2016 Wariye Cabdifitaax Cumar Geedi (Studio Daljir GAROWE)

Talaado, September 15, 2015 (Daljir) — Wasaradda Duulista hawada iyo garoomada Puntland ayaa sheegtay in dhowaan ay Garowe yimaadeen Injireeradii hordhaca u ahaa shirkada dhisaysa garoonka diyaaradaha Caasimada Garowe, kuwaasoo sahminaya halkii la dhigi lahaa agabka looga shaqaynayo dhismaha garoonka.

Maanta ayaa warbaahinta la geeyay garoon si KMG ah loo isticmaalayo inta la dhisayo garoonka caasumadda kaasoo Garowe kaga yaal dhanka waqooyiga bare una jirta Garowe qiyaastii 40-KM, garoonkaasi KMG loo isticmaalayo ayaa la yiraahdaa Kanono.

Wasiirka duulista hawada iyo garoomada Puntland Xasan Xaaji Siciid ayaa sheegay sanadkan dhammaadkiisa inuu furmi doono garoonka diyaaradaha Bosaos, halka sanadka xigana lagu rajo weyn yahay inuu shaqo galo garoonka Garowe.

Dhaqaalaha ku baxaya garoonka Garowe ayaa waxaa ku deeqday dowladda Kuwait, waxaana ku guulaystay shirkad la yiraahdo SMK oo laga lee yahay wadanka Turkey, taasoo dhowaan soo degi doonta magalada Garowe.

Shacabka Puntland gaar ahaan kuwa Garowe ayaa soo dhaweeyay bilowga howsha garoonka, waxayna ku tilmaameen in Puntland ay dhowaan gaari doonto isku filnaansho.

 

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: