Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Ka qayb-galay Xafladda Sanad Guurada Hay’adda Save The Children.

HomeWararka

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Ka qayb-galay Xafladda Sanad Guurada Hay’adda Save The Children.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Ka qayb-galay Munaaasabad ballaaran oo loogu dabaal degayay 100 sano

Afhayeenka Cusub ee Maamulka Gobalka Banaadir oo la magacaabay
Jaaliyadda Soomaliyeed ee dalka Belgium oo dhigay Banaanbax balaaran oo loga soo horjeedo Somaliland
Madaxwaynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka qaybgalay shirka Afrika ee Masar

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Ka qayb-galay Munaaasabad ballaaran oo loogu dabaal degayay 100 sano guuradii kasoo wareegatey markii la aas-aasay hay’adda Save The Children.

Munaasabadan waxaa Madaxweyne ku-ixgeenka ku wehlinaayey xubno ka tirsan Golayaasha dowladda, howl wadeenada Save the Children, Hay’addo Caalami ah, kuwo maxalli ah, Caruur lagu casuumay iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa hambalyo u diray howl wadeenada hay’adda Save the Children, kuwaas oo maanta u dabaal degaya 100 sano guuradii kasoo wareegtey markii la aas-aasay, waxa uu ku ammaanay shaqada ay ka hayaan Soomaaliya, gaar ahaan Puntland, isagoo ku booriyay inay halkaasi kasii wadaan.

Sidoo kale Madaxweyne Karaash ayaa madaxda hay’adda ku booriyey inay gacan ka gaystaan gurmad loo samaynayo dadka ay abaaruhu saameeyeen, waxaana uu xusay inay Abaar baahsani dalka ka jirto, taas oo loo baahan yahay in hay’addaha oo dhan ay ka qayb qaataan.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa abaalmarino guddoonsiiyey masuuliyiin door-muhiima ka qaatay u qareemidda caruurta Soomaaliya, Sidoo kale xafladda waxaa hay’addu ku ballan qaaday dedaallada ay ugu jirto Caruurta Soomaaliyeed in ay sii wadi-doonto.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: