Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo Maanta daahfuray Wajiga labaad ee dhismaha Wadada Ceeldaahir & Ceerigaabo

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo Maanta daahfuray Wajiga labaad ee dhismaha Wadada Ceeldaahir & Ceerigaabo

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa bogaadiyey shaqada wanaagsan ee ay qabteen Wasaaradda Howlaha Guud, Guddigii ka shaqeynayay dhismaha wadada iyo guud ahaan dadweynaha reer Puntland oo kawada qeyb qaatay, wuxuuna muujiyay in Dowladda Puntland ay muhiimad gaar ah u leedahay wadadan.

Laami saarka wadada Ceeldaahir-Ceergaabo ayaa bilow u ah in laga guul gaaro mashruucan, oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo laga hirgeliyo Puntland. Waana ka go’antahay Dowladda Puntland in sida ugu wanaagsan uguna dhakhso badan lagu dhameystiro mashruucan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com